Riyada:
Asalamu caleykum
Waxaan ahay wiil dhalinyaro ah oo aan guursan [doob ah ]
Waxaan ku riyooday anoo Malab guranaaya isla markiiba waxan arkay odey waayel ah oo mesha tagan.
Malabkii ayaan rabay odeyga inaa siiyo meel aan ku rido ayaan waayay.
Odeygu ilama hadlin.
Malabka waxaad moodaa wax dhaldha laalaya oo ay ku jiraan bacqafiif ah
Bacdii ayaa dilaacday isla markiiba waxaa noo imaaday odey kale oo gar weyn leh
wuxuu lasoo cararay [loor/ jawaan/ ]. Asagoo leh meeshan kus hubo oo ka gaarsii .
Malabkii ayaan ku riday anigoo kacabsi qawa inuu daato .
Markaas kadib waxaan bilaabay inaa usheekeeyo odayaasha oo aan uga sheekeeyo goobta malabka anigoo dhahaya.
Meeshaan waa dugsigii quraan ka kuso baranjiray wagii aan yaraa geedkan na waa kii aan hoostiisa quraanka ku aqrisan jirnay dugsiileyda
shinidaan xiligaas ayey soo degtay meshan anigoo dhahaya.
Riyadiina meesha ayey ku dhamatay.
FG. Waana sax goobta aan ku riyoday dugsiga
Sido kale waxaan xasuustaa in shini ay soo
Fasirka:
Riyada malabka guud ahaan waa riyo fiican fasiraad badan ayay yeelan kartaa, laakin hadda waxaa lagu fasirayaa caafimaad iyo nolol fiican waliba waxaad guursan doontaa gabar diin leh oo akhlaaq badan oo nolol macaan aad la wadaagi doonto, waa khayr badan waa riyo bishaaro ah, ku dadaal akhriska quraanka kariimka iyo salaadaha.