Riyada:
Asc wr wb walaal. Salaan ka bacdi, waxaan ku riyooday aniga iyo ayeeyo oo marhore dhimatay oo isla joono. Aniga iyo ayeeyadeey waxaan joognay meel beero ah, dhulkiisana mala arkaayo oobeerta geedaha iyo miraha kabaxaayo bes lee loo heeds. wax dhismo ama guryo bad ah aan ku oolin. Oo wada geedo ah beerahaas oo miro nuuckasta kabaxaayaan waxkasta cunto ah la beerto. Aniga iyo ayeeyadeey waxaan saarneen geed korkiisa, geedkaas wuxuu lahaay meel sidii sariirta camal u sameysan oo lajiifan karo ama lagu fadhiisan karo, waxuuna u hagaagsanaa sidii in loogu tala galay jiif iyo fadhi mana lagu caajisaayo mana lagudaalaayo hadaa seexatid ama fadhiisatid. Geedahaas meesha ku yaalay aan korsaarnen beerta ayey ka midtahay oo mirihii ayaan cunaayey oo nuuckasta ku yaalay, marka aniga kor aan saarnaay ayeeyana wey iga hooseesay. Waxaan cuneeynay mirihii geedka kabaxaayey markaas ayaan intan miraha soo gooyo ayeeyo siinaayey oo hoosteyda jiifto. waxaan siiyo oo Kaliua ayeey cuneeysaa, ayeeyo waxeey iyada goosatay macuneyso oo dhinackasta miraha kaga yaalo lakiin markasta aan hoos u fiirsho ayaan miraha u jaraa waan siiyaa kadibna wey cuntaa markaas aan hadana u jaraa oo siiyaa weycuntaa, waxaan aniga siiyo bes lee cunee, miro ay iyada goosatay macuneyso oo ma goosaneeso, geedkana meesha ugu koreyso aan korey waxaan fiirinaayey inaan arko guryo bad ama dhismo laakiin meelkasta aan fiirsho waa beer geedo cagaaran waxaan eheen lama arkaayo aad iyo aad ayeyna u qurxaneed oo meel lagu tilmaami karo aduunkan kuma Taalunie beer sidaas u qurux badan. Meeshaasna ma eheen meel dhismo loogu tala galay. Geedka aniga iyo ayeeyo aan saarneen. Walaal maxeey noqon kartaa riyadaa iga jaahil bixi. Jazakallah kheyr.
Fasirka:
Riyada waa riyo aad u fiican waxay xambaarsan tahay bishaaro waxay tilmaamaysaa ayeeo inay meel fiican joogto adigana inaad heleyso nolol barwaaqo leh adduun iyo aakhiro, meeshaas aad arkayso waxay tilmaamaysaa jannada riyada waa riyo aad u wanaagsan, sidoo kale waxaa riyada laga fahmayaa adiga inaad tahay qof aad u wanaagsan oo baari ah, Ilaahay hakuu siyaadiyo.