Su'aasha:
Waxan ku riyooday annaga oo dhawr qof oo ehelka ah oo guriga dibaddiisa ayuu Gorgor na soo weeraray aniga ayaa guriga ku cararay dadkiina waxay ku qaylinayeen guriga ha gelin waayo guriga dushiisu way qaawanayd albaabkii baan xidhay Gorgorkiinna xagga sare ee guriga ayuu iiga soo galay madaxa uyuu igaga dhegay albaabka oo aan ku tiirsanaa ayaan madaxa iyo Gorgorkii ba ku garaacay. Ugu dambayn Gorgorkii dhulka ayuu ku dhacay sidii i nuu dhintay oo baalashii isku laabmeen aniga madaxaygii waxa ka soo daatay qodaxo aad u fara badan oo dhulka ka buuxsamay. Markaas baan toosay.
Fasirka:
Walaal riyada waxay tilmaamaysaa si xun in laguu dulmin doono waliba qofka dulmiga kuu geysanayo waa qof halis ah oo aan naxariis lahayn dulmigaasna wuxuu ka dhalan doonaa dood iyo dagaal labadiina idin dhex mari doona, waxaa laga yaabaa qofkaas inuu yahay qof kuu dhow aadan ka filanaynin inuu dulmi kuu geysto, laakin marka ugu dambeyso qofkaas waad ka guulaysan doontaa Ilaahay wuxuu ku siinayaa awood aad iskaga difaacdo, guud ahaan riyada waa digniin Ilaahay sharteeda hakaa badbaadiyo.