Riyada hadalka shinbirta waxa lagu fasiro

 Riyada:

Waxaan arkay   buur u samaysan qaabka shinbiraa   aadna u qurux badan 4 yar yar iyo mid wayn  hooyo ayayna u tahay afarta yaryar    markaa aadbaan ula dhacay qaabka ilahay u sameeyay markaa anoo daawanaya ayaan ku dhahay qof ila socday bal daawo ilahay qudradiisa  sida uu u sameeyay buurtan    markaa waxa igu qoslay 4 tii  yaryaraa    markaa aadbaan ula yaabay siday u hadlayaan   markaa waxaan ku dhahay waan idin jeclahay   way i fahmi waayeen hadana waxaan ku dhahay I love you  hadana way fahmi waayeen   markaa ayay hooyadood u fasirtay   oo af carabi ugu sheegtay   inaan leeyahay انا أحبكم markaa intay hal mar wada hadleen 5 toodiba ayay waxay igu dhaheen انت آية من آيات الله    markaa anoo faraxsan ayaan ka tegay  Thank you


Riyada hadalka shinbirta waxa lagu fasiro

Fasirka:

Riyada waa riyo aad u fiican, guud ahaan qofka markuu ku riyoodo shinbir la hadlayso hadalkaas waa hadal dhab noqonayo, marka riyadan waxay tilmaamaysaa inaad noqon doonto qof Ilaahay qiime weyn siiyay oo laga dambeyn doono waliba dadka aad la nooshahay way kaa amarqaadan doonaan awood ayaa Ilaahay ku siinayo oo aad ku qanciso dadka aad la hadlayso.

Previous Post Next Post