Riyada:
Waxa jiro marar ka qaar gabar aan nahay sida walaalo camal oo yaraan teen xafad ku wada dhalanay oo aan is aragno marar ka qaar sii walaaltinmo ayaan u wada hadal naa xitaa dumarka qaar markay rabaan inay xiriir iila sameyan ayada ayey so maraan markay xita hadii laguursado nin keedi waxay ku dhahdaa ninkaan waa wallalkay lkn ibtilada taagan bay waxay tahay aydoon damac iiga galin ayadana aan i damcin habeenada hadii ay dhacdo inaan ku riyonayo qof aan ugal monayo ayada uun baan arkaa sanado badan ayaan isku arkay midas Waal tinimo fog ayaa naga dhaxeyso xitaa hadii an gobol jiro walid ka usheegto inay gurigeega joogayso isbuuc wa la iiga kal son yahay lkn arintaas ayaan layaabay.
Fasirka:
Riyada waxay u badan tahay nafsi inay tahay oo ay keentay inaad meel kuwada barbaarteen oo yaraantiina aan la idin kala ilaalin jirin oo aad is wada aragteen jir ahaan, marka maskaxdaada ayay ku sawiran tahay maadaama aad qaangaartay riyo ayaad ku arkaysaa wixii yaraantaada iyada aad ka arki jirtay, ee ma aha riyo hadda macne leh, haddii aad biyabaxdo waa riyo shaydaan haddii kalana waxay u eg tahay wax maskaxda la xiriiro, inkastoo riyada galmada guud ahaan ay tilmaanto waxtar uu helayo qofka loo galmoonayo laakin hadda arrintaada way ka duwan tahay riyada galmada caadiga ah.