Riyada:
Asc sheekh illahay khayr fara badan ha ku siiye ma ii fasiri karta riyadan aan ku riyooday waxanay u dhacaysa sida tan.
Waxan marka hore ku riyooday laba nin oo xabaal la dhacaya laba ulood kabacdina anoo la yaaban ayaa markan aan ka jeedsaday waxan arkay shandad madow oo idaba socota markaan is iri ka cararna shandada hadba meesha aan u dhaqaaqo way ila soconaysay kabacdi labadi nin ayaa shanadii furay waxaana ka soo baxay laba bisadood oo yaryar oo mid kastaba ay hal il leeday kabacdi labadi bisadood way igu soo ordeen in ay i qaniinan ayaanay rabeen bisaduhu markaas aad ban uga sasay markaasanan hurdada ka soo kacay sheekh illahay khayr haku siiye bal ii fasir riyada.
Fasirka:
Riyadan waxay tilmaamaysaa dad inay jiraan oo raba inay ku sixraan, sixirkaas waxaa laga yaabaa inuu dhar la xiriiro, labada nin iyo labada ul iyo labada bisad waa astaan laga fahmayo dad isku xiran oo wax isla fulinayo, bisadaha waxay hadda tilmaamayaan jinka sixirka loo adeegsado, ku dadaal quraanka iyo salaadda.