Riyada anoo dhoofay oo diyaarad raacay

Riyada:

Asc wllaha daruuro wlashey ah waxanku riyooday sidan?
Anoo dhoofay oo diyaarad raacay waxaana ila socday nin aad u qurux badan markaan meeshaan usoconay gaarnay diyaaradii way dagtay waxayna isu badashay bur ciid ah marka ninkii waxuu yiri dago waxan dhahay xageen ka baxaa waxuu yiri meeshaas kugu aadan feedh ku dhufo markan ku dhufattayna daaqad baaa iska banaysay waana ka baxay markaa kabahaygii baan ku ilowbay waxuuna igu dhahay iska daa kaba waalagu siine markaa sadex gabdhood oo daash jiifa aragnay waxay iilasoo ordeen 2 beer oo kaba ah micad iyo mid madow wayna qaatay mikii cada waan xirtay kii kala gacantaan ku qaatay waxaana qaadnay wado markan cabar soconay geed wada qudaaran oo cagaran bàn u nimaad nay
xagaas ku dhamaatay.
Riyada anoo dhoofay oo diyaarad raacay


Fasirka:

Riyadan waxay tilmaamaysaa dhibaato iyo rafaad aad mari doonto marka ugu dambaysa waad ka badbaadi doontaa, rafaadkaasna waxaa sabab u ah nin xiriir aad la yeelan doonto, haddii aad tahay gabar wali aan la guursanin ama naag garoob ah.
Haddii aad xaas tahay ninkaaga iyo adiga isfahan la'aan baa idin soo dhex gali doonto waxaa sabab u noqonaya qof kale.
Qaabka diyaaradda aad u aragtay waa qaabka diyaarad markay dhib ku dhacaan oo laga baxayo albaabka amarjansiga.
Marka riyada Ilaahay sharteeda hakaa ilaaliyo
Previous Post Next Post