Riyada dhimashada aabe oo nool oon xanuunsanayn

Browse through our premium features and pick your favorite plan
 ‌ ‌ ‌ 
Riyada:

scw qof baa wuxuu ku riooyaday aabe oo nool laakin riyada dhexdeeda wuu dhimanaa aabanaha waa qof caafimaad qabo aan xanuunsanayn riyadaas maxaa lagu fasiraa idinkoo mahadsan.



Fasirka:

Riyada waxay tilmaamaysaa qofkaas inuu aad u murgi doono, inay lasoo gudboonaan doonaan arrimo laga murgo, riyada toos uma tusinayso dhimashada aabe ee waxay tilmaamaysaa xaalka qofkaas uu gali doono, waliba hadduu si xoog ugu dhex murgo riyada gudaheeda.
Waxaa kaloo riyada laga fahmayaa qofkaas inuu noqon doono qof meel kali ku ah safar ama meel dadka uu jecel yahay ka fog, waayo aabaha wuxuu astaan u yahay tiirka qofka uu cuskanayo, marka meesha aabe uu ka baxo wuxuu dareemayaa qofka firaaqo iyo wehel la'aan.
Marka geerida aabaha sidaas ayaa lagu fasiraa markuu xaalkaas ku sugan yahay.
Previous Post Next Post