Riyada gabar lagu leeyahay lacagtan kusoo xaji

 Riyada:

Asc wlalah daruro gabar reer leh  ayaa ku tiyootay sidan 2 jeer
Waxaa lagu yiri sidan 
Naa orod waxaad hayso waa laguu dhaamaaye xaj ilaahay  aad
Marka 2
Waxaa lagu yiri orad xajkaa aad waxayna tiri lacag ma haysto 
Markaa waxaa loo tiriyay lacag caagar waa taase ku aad ba lagu yiri.
Riyada gabar lagu leeyahay lacagtan kusoo xaji


Fasirka:

Riyadan waxay tilmaamaysaa gabadhan inay cibaadada Alle ka gaabinayso riyada waa baraarujin lagu baraarujinayo inay cibaadada ku dadaasho, waa qof Ilaahay khayr siiyay runtii waa naxariis Alle qofka in lagu booriyo inuu xajka aado, marka waxaa laga rabaa inay badiso daacada Alle.
Waxaa kaloo riyada laga fahmayaa in Alle uu u fududeyn doono xajka inay aaddo, marka riyada waa khayr iyo bishaaro.


Previous Post Next Post