Riyada mas cagaaran oo laga cararayo maxaa lagu fasiraa

Riyada:

Asc wll waxaan kuriyooday ani islaan waa hore iigu danbaysay oo isla socona waxayna iiga sheekaysay waagan yaraa anoo meel jida marayna oon garanayo baa waxan aragnay mas cagaaran oo kubre ah aad u qurxan waxana ku dhahay maskaas oo kale waaban ku ciyaaray anoo yar waana runtaye waa baa ano yar mas cagaaran aan ku ciyaaaray waxna ima yeelin markii ilaahayba iga aymiyay
Markaa kadib maskii waana daba galay aadbana uga cabsanayay waxana iska celinaynay oo wax baan ku tuurtuuraynay si uu nooga haro waan soo laabanay xaga xaafada markaa wali wuuba na  daba socday ani waan ka duulay oo islaantii waan ka dheereyay waxan wadad kusoo maray guri aan laha islàntaas baa lahaydoo wada kamartay oo wada dhexdeeda ku yaalaa markaa god baa ka dhex qodnaa waxaan dhahay yarabi arka godkaaa kurid oo anagana naga reeb umada muslimka aha uusa dhibinuu halkaas ku dhintaa markaa waxan lahaa masoo dhaafi karo halkaas buu ku dhimanayaa maskuanina waanba duulay markaa
Xaladayda waxaan aad ii dhibay xanuunka ruuxoya quraanka markaan aqrinaayo olol baa jirkayga kabaxaa.
Riyada mas cagaaran oo laga cararayo maxaa lagu fasiraa


Fasirka:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad ka caafimaadi doonto dhibka ku hayo, waxayna u badan tahay dhibkaas inuu yahay sixir iyo il.
Duulitaanka hadda wuxuu tilmaamayaa badbaadada aad heli doonto inshaa Allaah wixii cadowgaaga ahna waad ka fakan doontaa kuma soo haleeli karaa.
Waxaa kaloo riyada laga fahmayaa inaad u baahan tahay duco, mar kaste oo aad salaadda tukato Ilaahay baryi inshaa Allaah waad badbaadaysaa sharta kuwa dadka sixrka

Previous Post Next Post