Riyada:
A S C, Walaaleyal xaaskayga waxay ku riyootay iyado gacmaheega iyo lugaheega dir'xi fara badan kasoo baxayaan markay iska tirtirto hadana dirxigu wuu kasoo baxayay ee bal inoo fasira mahadsanid?
Fasirka:

Walaal riyada riyo xun ma aha, riyadan waxay tilmaamaysaa xaaskaaga inay ka bixi doonto dhib ay gudaha ka dareemaysay, walwal iyo qalqal iyada hayay ayay ka raysan doontaa, waxaa kaloo riyada ay tusinaysaa in gacanteeda xoolo aduun soo gali doonaan, tixriga gacmaha kasoo baxayo waa hanti badan oo si sahlan lagu helayo, dhaxal ama hanti kale oo iyada ay heli doonto ayay riyada tilmaamaysaa.
Waxaa kaloo riyada la socda inay mashaakil la kulmayso dood ama dagaal taasna waxaa laga fahmayaa tixriga lugaha kasoo baxayo.