Riyada qof jin arkay oo wanaag u sheegay

Riyada: 

Asc Allah mahadleh
Waad mahadsan tihiin guud ahaan webka daruur
Waxan ku riyooday waxaan arkay meel ii jirta ilaa 300 miter, Ayaa waxaa ku taalay meherad music ka socdo, waxaana joogay oon arkay dadkaasi inay wada qaawan yihiin, music u daaran yahay dadkaasina waxay ahaayeen jinn
Kabacdi waxaan ku riday xabado
Waxaanay xidheen dharkii ,
Waan u tagay markan galay meesha way bakhtiyeen musicgii, kabacdi hool oo ay ka buuxaan ilaa 1000 qof oo jinni ah oo isugu jara rag iyo dumar oo qol aad u wayn ahaa,
Ayaan galay way isoo dhaweeyeen, waxaanay ii dhiibeen micro phone ama cod baahiye aanan hore u arag oo Kala jiidmaaya, waan wacdiyay in ay ilaahay ka baqaan, waxaan ku dul akhriyay aayada ah fasirkeedu yahay , jin iyo iinsiba in ilaahay u abuuray in ay caabudaan, caabuda ilaahay oo salaada tukada joojiya macaasida oo iska dhaafaan music oo aanay is isqaawin
Waanay iga aqbaleen gabadh ka xanuunsanaysayna daawo ayaan siiyay waanay caafimaaday
Waxaanan kasoo baxay iyagoo music GII quran ku badalay Ana aadban ugu farxay
Markan kasoo baxay ayaa mid iga daba yimid waxaanu idhahay furaha nasii Ana fure aan gacanta ku watay ayaan siiyay mana garanayo furahasi cid lahayd
Allah mahadleh
Riyada qof jin arkay oo wanaag u sheegay


Fasirka:

Runtii riyada waa riyo cajiib ah fasirkeedana wuu iska cad yahay, waxay tilmaamaysaa inaad noqon doonto qof aad u wanaagsan bulshada kheyr ugu yeeraya, oo Ilaahay u dhow.
Jinka waxay noqon karaan dad xun oo caasi noqday oo hanuun u baahan adigana kaalin weyn ayaad ka qaadan doontaa hanuunkooda.

Previous Post Next Post