Riyada:
Asc Allah mahadleh
Waad mahadsan tihiin webka daruur
Allah macak
Waxan ku riyooday anoo habeen magaalada dusheeda duulduulaya
Oo akhrinaya suuratul baqara
Waxaana iga soo laalaaday xadhig dheer oo cad, oo dhulka usoo dhow
Waxaa hoostayda joogay rag askara iyo nimankale oo yaaban waxay isyidhaahdeen xadhigii cadaa iga soo laaladay qabsada waysoo laaceen Ana kor ayaan uga duulay oo imaysoo gaadhin
Iyagoo gacmaha kor usoo taagsyan sare u ga duulay Intan ku qoslay
Allah mahadleh
Fasirka:
Riyada waxay tilmaamaysaa isla riyadii aan kuu fasiray waana sarrayn iyo awood inaad yeelan doonto.
Halkan ayaad ka akhrisan kartaa riyadaas:
Waxaa raacsan riyadan dad inay jiraan oo kula tartamaya oo raba inay kaa sarreeyaan laakin aan ku gaari karin.