Riyada:
Waxan ku riyooday laba jeer oo waqti u dhaxeyso gurigayga oo qof soo furanaayo mida koowaad waxaa soo furtay wiil dhalinyaro ah markaan arkey wan qeyliye wuu cararey
Mida labaad waxaa soo furtay gabar buuran oo ku socoto gaariga curyaanka markaan arkey ayan ku qeyliye oo aan albabka xoog u xirey way igu soo riixday si xoog ah Waxan ku iri caruurta aabihiin u yeera ka dib way ka tagtay walal ii fasir riyadaan ilahey kheer badan ha ku siiyo Aamiin jazakallah kheyran.
Fasirka:
Riyada waxay tilmaamaysaa in war aadan ka helin kusoo gaari doono, waxaa laga yaabaa warkaas inaad ka xanaaqdo oo uu ku dhibo, waxaa laga yaabaa inuu kaasoo gaaro dad xiriirkuuna aan fiicnayn ama dad raba inay gurigaaga buuq ku abuuraan.