Riyada:
Wiil aan aabo u ahay oo arday
Quraanka xifdiya ah oo dadiisu tahay
11 jir ayaa ku riyooday
Sidan
Wuxudhahay waxan ku riyooday anigoo ka imi goobta quraanka ee malcaamadda oo kitaabkii quraanka ahaa Sita ayaa roob soo da ay waxan ka galay meel
Markii roobkii qaaday waan soo baxay iyadoo dhulka biyo badani marayaan
Waxa markaa iga hor yimi
Nin aad u dheer oo guryaa dabaqyada ah madixiisu aad uga dheeryahay oo aad u qurux badan
Ninkuu wuxu leeyahay baalal
Wuu I salaamay waan ka qaaday salaantii
Wuxu igu dhahay waxan ahay jibriil
Markaa wuu duulay xaga sare ayuuna ku libdhay
Fasirka:
Riyadan waa riyo aad u qiima badan waana bishaaro cad waxay tilmaamaysaa wiilka aad sheegtay inuu gaari doono darajo aad u sarraysa xagga diinta wuxuuna noqon doonaa qof diinta islaamka faafinaya dadka oo dhanna ay ka dambeeyaan wuxuu noqonayaa wiil barakaysan roobkaas soo da'ay waa barako ka imaanayso cirka aragtida malaku Jibriil waa jidka toosan oo diinta islaamka waafaqsan.