Riyada:
walaal waxaan ku riyooday ninkaan la sheekaysto oo sigaar cabaya iguna qaylinaaya iyadoo ay i arkayaan dad aan asxaab nahay. gaadhigiisana waan dhex fadhinay, kadib markuu igu qayliyay waan ka dagay gaadhiga iyadoo aan ilmaynaayo, dad aan jaarnahay oo koox ahban soo ag maray oo i arkaya ano ilmaynaaya kadib ninkii baa igasoo hor baxay isagoo gaadhigii wata, inaan soo korana wuu iga codsanaayay isagoo i sasabaya. Riyadanna anaa ku riyooday fasirkeedan rabaa Wax aan ka reebayna ma jirto waa sidaan u xasuusto wuxuba
Fasirka:
Riyada waxay tilmaamaysaa ninka aad la socoto inuusan ahayn saad moodayso waa lagaaga digayaa, maxaayeelay dhaqankaas lagu tusiyay waa dhaqan adiga aadan ku ogayn sida awgeed digtoonidaada ka qab xataa hadduu isku dayo inuu wax kale kaa dhaadhiciyo