Riyada dameer igu soo ordaya oo dhimanaya

Riyada:

Asc walaalo habeen dhaweyd waxaan ku riyooday dameer aad u weyn oo igu soo ordaya ka dibna aan ka cararay. Dameerkii intii aanu i soo gaadhin oo xawaare ku socda ayuu derbi albaabka guriga agtiisa ah jiidhay ka dibna wuu dhintay oo qoortiisa ayaa dib isugu laabantay.  Markaas baan toosay. Bal walaalo ii soo fasira. Insha Allah. 

Mahadsanidiin

Riyada dameer igu soo ordaya oo dhimanaya

Fasirka:

Riyada waxay tilmaamaysaa in Ilaahay kaa badbaadin doono dad aan fiicnayn oo doqomo ah oo dhib kugu hayo oo aan wanaag kula rabin, sidoo kale waxaad ka badbaadaysaa rafaad iyo dhibaato, waa riyo bishaaro ah.

Previous Post Next Post