Riyada:
Waxaan ku riyooday anigoo socda ayaan 2 qabri oo kor udhisan u imid dadka ku jirana ma aqaan waxaan niyaystay inaan uduceeyo barkad ku dhagan intaan biyo kasoo daray qaarna ku dul shubay ayaan qaarna meel qabriga ka mida oo aan is leeyahay waa u kayd ugu shub labadaba waana ka tagay waxaan sii maqlayay biyaha shanqartooda iyo meeshay sii qulqulayaan anigii la yaaban oo is leh bijyahaas ku shubtay sidaas uma tira badnayn xagee waxaan oo biyo ah ka yimaadeen kabacdi hotelkii aan daganaa oo udhoow baan tagay markaan sii baxayay anigoo hadana inaan waraabiyo raba oo sakeel biyo ka buuxaan wata oo inta meel dhexe oo jidkaa dhigay usoo noqo isleh oo alaabtayri hoteelka iga taalay unoqday inaan soo qaato oo aruursanaya sakeelkii biyaha ku jiray meeshii igu sugayo inaan kusoo shubo sakeelkana qabuuruhuu awalba yaalaye uceli is leh baan toosay.
Fasirka:
Riyadan waa riyo fiican qabri oo biyo lagu shubayo waxaa lagu fasiraa khayr iyo barwaaqo iyo warar farxad leh, waxaa kaloo riyada laga fahmayaa in lagaaga baahan yahay inaad u duceyso dadka qaraabada oo kuu dhow oo dhintay marka haka walwalin riyada.