Riyada dad cadow aan ka cararayo oo aan duulayo

 Riyada:

Asc wr wb walaal, salaan bacdigeed. Waxaan rabaa inaa  riyadaan ii fasirto insha allah. Waxaa waaye riyadeyda habaryarteey oo yaraanka ayeeyadeey ah,oo ii dhibeysa sixun ii dhibeysa, cadawtinimada indhaheeda ii ga muuqdo laga naxaayo,  Horta hawaryar yaalkeey iyo Abti yaasheey Waxaan u dhimatay Shukran ay lahaayeen oo dhaxal u ahaa Waxaan a ugu dhigay 2 guri oo filo ah midkiiba 3 qol jiko musqul Nara do Duran iyo mid furan. Waxaan dhahay mid  daga midna ijaarka kaqaata waana 330$ oo korontada biyaha iyo cuntadii kadhigta. Lakiin waxaan dhahay hadii guri aad gadeysaan qarashkii iga galay ayaan u baahanahay macnaha guriga banaankiisa waxaa ku duugan ayeeyadeey waxaana isleeyahay qabriga ayeeyo badbaadi si aan looga Saran qabriga, waayo hadii lagado guriga waa in qabrigana meesha laga saraa taas aana i dhibeysa aniga. Aniga waalidkey waa wanaajiya ayagana wey i waxyeeleeyaan oo I dhibaan waana i neceb yihiin. 2 guri markan dhisay waxaan furaha u dhiibay  habaryarteey u yar cida si ay dadkaas isugu heyso ileen iyada ugu roon cida dadkana isku heen karto waxeyna heysataa 5 cunug oo 3 nin kala dhashey waana is aadanahay ku dhaqaaleeyaa. Iyada kaligeed mahim ee reer hooyadeey inta badan waan dhaqaaleeyaa oon waxtaraa. lakiin ayaga dhib ay igu hayaan. Hada waxaan ku riyoodey habaryaas oo igu sameyneysay waxkasta oo xun qof bani adam ah lagu sameeyo. Waxaa kamid ah iney dad nuuc kasta ii adeegsato in lii wax yeeleeyo qofkasta ay ii adeegsan karto. Waalii bursana anigana waan ka cararaa dad dhan oo nuuc kasta isugu jiro asxaabteeda ninkeeda dariskeeda xataaa ayeeyadeey oo dhimatay waa ii soo adeegsatay oo igu direysay anigana waan ka fakanaayey lakiin waxaa layaableh sida larabay in la ii dhibateeyo oo ilahay iiga badbaadinaayey waxaa kamid ah orod bootin aad u dheer  duulid sida markan xooga cararo waan boodayaa bootin aad u dheer oo dadka I bursanaayaan ugu dheeraankaro hadana Markey igu soo dhawaadan dad kas i bursanaayaan waan duulayaa xooga markan ka dheeraado  dhulka aan soo noqonaa hadana Kuwa kale ayaa I ceersanaayaan hadana waan cararaa. Adiga sidan ugu badbaadi lahaa. Hadana waxeey isoo sideey ii bursanaayaan markii danbe waxaan uugu badbaaday biyo bada iney eheed iyo wabi inuu ahaay masheegi kari lakiin waxaan u maleenaa iney bada eheed ileen biyha baluug uu ahaay biyahii. Saan u cararaayey waxaan ku imaaday biyahaas meelkale maheysan aan ku baxsado waxaana u dhexeeyay badii iyo cadawgii ibursanaayey waxaana ku booday biyihii oo aan soo dawaasho run ahaantii aniga dawaal ma aqaano caadi ahaan lakiin riyadii waan ku badbaaday oo sifiican u dawaashey kuna badbaaday Alxamdulilaah. Marka maxeey noqon kartaa riyadaas. Jazakallah qeer.

Riyada dad cadow aan ka cararayo oo aan duulayo

Fasirka:

Riyadan waxay tilmaamaysaa dad familkaaga ah inay ku xasdayaan oo ay rabaan dhib inay kuu geysataan waxaa laguu sheegayaa adiga inaad ka badbaadayso dhibkooda waayo waxaad tahay qof dad aan dhib la rabin, marka waa digniin iska ilaali dadka aad ka shakisan tahay.
Previous Post Next Post