Riyada dacwada iyo booliska iyo guriga wax laga furfurayo

Riyada:

Waxaan ku riyoodaa dhawr jeer iyadoo la furfurayo guriga waxa iiga hor dhisan sida gijada iyo ardaaga waxaana furfuraya nin madaw  markii u danbaysay   maryihii uu ka furfuray wuxuu ku riday laba hog biyana wuu ku shubay   iskoobe ayuu ku walaaqay  kabacdi waan soo dacweeyay markaan tegay jeelka waxa lay tilmaamay xafiis nin siyaad la dhahaa haysto in yar markaan usoo jiray  waxa i dul socday laba kefedood iyo  xabad guluuba ama nal   oo ifaya   askartii ayaa igu soo ururay oo yidhi hiiidka aad sidatid ee kuu soo jiidaya alaabtan  waxba ma sito ayaan dhahay way i baadheen waxba way iga waayeen   markaa kefedii intay dhulka dhigeen oo saareen miisaan aad u wayn  ayay igu dhaheen soco   markaasu hadana isoo raacay kefedii iyo miisaankiiba  waxay dhaheen waa arin kale  ee maxaad ka cabanaysaa   cabashadaydii ayaan sheegay   way iga qoreen  69 lanbarkaasna way raaciyeen   iska tag ayayna igu dhaheen

Riyada dacwada iyo booliska iyo guriga wax laga furfurayo

Fasirka:

Riyadan waxay tilmaamaysaa dood iyo dacwo inaad qof la gali doontid oo aad ku guulaysanaysid marka ugu dambeyso, waxaa laga yabaa dooddaas inay la xiriirto ninkaaga haddii aad xaas tahay, sidoo kale wixii aad rabtay waad gaari doontaa sida nambarka 69 laga fahmayo waxaadna tahay qof aan dambi cid ka galin oo nadiif ah.
Previous Post Next Post