Riyada:
Asc waxaan ku riyooday aniga iyo saxiibkay oo wada socona ayaa waxaan mari kari waynay xidhi ama kayn jiq ah oo dhir qodax leh aad u leh kadib anigu waan duulay oo waan dulmaray saxiibkayna waan ka tagay. Cabaar kadib waxaan ku soo laabtay saxiibkay anigoo u dhawaaqaya waxaan arkay isagoo waddo socda oo libaax daba socdo waliba gool ah, waktigu waa fiid waxaan u sheegay libaaxa daba socda wuu arki waayay kadib waxaan ku shiday toosh aan watay iftiinkii aan ku shiday buu ku arkay.
Fasirka:
Riyada waxay tilmaamaysaa in Ilaahay kaa badbaadin doono dhib kaste ku soo maro, sidoo kale inaad yeelan doonto awood ama jago oo lagaaga dambeyn doono, duulitaanka wuxuu wataa astaan tilmaamaysa marka riyo lagu arko qofka inuu magac iyo sharaf yeelan doono.
gool libaaxna hadda waxaa lagu fasiraa xaasid, laakin inshaa Allaah adiga waad ka badbaadaysaa dhibka xaasidkaas uu kuu keeni karo.
Sidoo kale qof saaxiibkaaga ama walaalkaaga ayaadna ku baroorujin doontaa wixii dhib u keeni karo