Riyada:
scw waxaan rabaa inad ii fasirtaan qofkii ku riyoodo asoo jiro safar dheer lug ah maxaa lagu fasiraa.
Fasirka:
Riyada waxay tilmaamaysaa isbadal noloshaada la soo gudboonaan doono, riyada safarka dheer waa isbadal aad u weyn oo kula soo xiriiri doono, in kastoo daal culus aad nolosha kala kulmayso hadana waa isbadal fiican, waayo safarka inta badan waxaa loo galaa nolol raadis, qofka marka uu dalkiisa ka tagayo wuxuu u tagaa inuu shaqo raadiyo ama inuu waxbarasho doonto.
Marka inshaa Allaah Ilaahay natiijo fiican ayuu kaa siin doonaa.