Riyada:
Asc wr wb walaal, waxaan ahay gabar wali ma guursan. Waxaa isoo korisay Ayeyo hooyo dhashey, aniga kaligey ima soo korin ee waxeey soo korisay ilmo badan oo wiilasheeda iyo gabdheheeda dhaleen. Waxaa kaloo ku jirey ilmo ay iyada dhashay kuli Agoon aan eheen. Walaal aniga waxaan ahaay cunuga ugu baarisan gurigaas. Ayeeyo waan caawin jirey waan cadeeci jirey waana jeclaa maadama aan waalid kale heysan, lakiin aniga waalii dhibi jirey oo ayeeyo aa liigu diri jirey habaryar yaasheey ana igu diri jiren. Walaahi dhibweyn ayey igu heen jireen oo waan iska sabri jirey wax kasta liigu sameeyo, sidaan dhibkas ugu jirey aniga oo yar ayaan jaanis heley oo dibada ah wadankii waan kasoo tagay oo yurub aan imaaday aniga oo 1 dollar liiga qaadin Alxamdulilaah. Waana yaraay waxa iga horeeyo majirin.
markan yurub tagay gaalo ayaan gacanta ugalay oo ilaahey ayaa i asturay oo ilaaliyey ilahay wuxuu ii ilaaliyey sidii ukunta oo kale oo wadada fiican igu hanuuniyay aniga oo gaalo ku dhax jirey Alxamdulilaah. Aniga oo xerada ilmaha kujiro ayaan lacagta yar liisiinjirey itan isku aruuriyo ayaan ayeeyo u soo dhiibi jirey, markan 15 sano gaaray waxaa shaqeyn jirey sabtida iyo axada lacagtaasna ayeeyo u diri jirey xoogana meel aan dhigan jirey. Ayeeyo waxeey dhimatay 2013 dhamaadkiisa allaha unaxariisto. Markasta wey ii duceyn jirtey ducadeeda waxaa ka mid ahaa ceel aan gureyn allaha ka dhigo geed lagu harsado allaha ka dhigo meesha tagto dadkiisa gaalo iyo muslin hooyo iyo aabo allaha kaaga dhigo ayeey i dhihi jirtay markasto aan waco inta ay dhiman kahor ileen sabti kasto ayaan wici jirey, markey dhimaneeysay waxeey ku dardaarantay lacagta aan u diri jiray inaan joojin oo sidiisa u diro oo aan siiyo gabdheheeda waana sameeyey majoogin oo waan diraa. Ayeeyo wax waan u sadaqeeyaa cimro ayaan u aaday guri ayaan u dhisay gabdheheeda waxeey soo korisay dhan ayaan xariiriyaa aana waxsiiyaa lakiin dhib ayaan qabaa walaal. Waxaan kuriyoodaa ayey oo i dhibeeyso oo I rafaadineyso markasta aan ku riyoodo waa mar ay I dhibeyso sidii markan yaraay ee ii dhibi jirtay mana fahansani walaahi waxaa aan u arkaayo riyaaday xanuunka badan aniga waxkasta ay jecleed markey nooleed waan sameeyey markey nooleed waan jeclaa ilaaliyey hada ay dhimatay meelkasta sadaqo u galiyaa dadka saxiibada ahaayeen xariiriyaa lakiin ani ma fahansani waxaa saan iigu dhibeyso markasta aan ku riyoodo marmar dhibka igu heyso aniga oo ooynaayo soo kacaa hada aan qoraalkan soo qoraayo iyada oo i dhibeyso kasoo kacay marka walaal riyadaas iga jaahil bixi. Jazakallaah qeeyr.
Fasirka:
Walaal riyada waxay tilmaamaysaa in adiga aad iyo aad laguu dulmiyay oo lagugu xadgudbay oo qalad weyn ay kaa gashay ayeeyadaada iyo habaryarahaada, mararka qaar familka waxaa laga helaa dad cadow ah.
Teeda kale Ilaahay kuguma waajibin inaad lacagta iyada aad siin jirtay aad sii waddo middaas xataa waxaa laga yabaa inay ka mid tahay dhibkii lagugu hayay waagii hore mid la xiriira, waxaan kuu sheegayaa inaad iska ilaaliso dad badan ayaa jira cadow kugu ah oo aan kuula rabin wanaaga Ilaahay ku siiyay, riyada aad ku riyoonayso eyeeyadaada mar walba iyadoo ku dhibayso waxaa laga wadaa sida laguu dulmiyay oo laguugu xadgudbay dulmigaas ilaa iyo haddana waa kugu socdaa, iska ilaali, meel dheer wax ka eeg nasiib ayaad leedahay riyo ayaa Ilaahay ku tusinayo oo kaaga digayso arrimahaas.