Riyada:
Asc wr wb walaal, salaan kadib waxaan rabaa inaan ku weydiiyo, waxaan ku riyooday ayeeyadeey hooyo dhashay oo dhimatay 2013 ayaan ku riyooday, iyada oo ciyaalkeeda la joogto oo meel fadhiyaan waxaana la fadhiyeen dad kale, gabadheeda iyo naago kale ayaa la fadhiyey wey sheekeysanaayeen oo na qoslaayeen. Ayeeyana wey madluunsan oo sidii qof xanuunsan oo kale meel gooni ah ay fadhiday. Aniga oo socdo ayaa imaaday markaas aan xanaaqay oo ayeeyo sida ay u taalo ayaa I dhibtay, kadib biyo iyo maro aan soo qaatay ayaan ayeeyo u qabeenaayey aniga oo xanaaqsan. Markas qof aa noo imaaday I weydiiyey maxaa u dhacay mamada uu dhahay markas ayaan waxaan u sheegay ineey xanuunsantahay oo gabadheeda meeshaas fadhiso ayaan u tilmaamay qofkii aan ku dhahay fiiri taas waa gabadheeda iyada dhashey mana daryeeleyso hooyadeed oo xanuunsan mana u naaxariisaneeyso hooyadeed, waxaana weydiiyey gabadheedii meeshaas fadhiisan, maxaa tahay adiga ma awoodi weysay inaa hooyada u qabeyso nadiif isoo Una naxariisatadid maxaa si kaa ah aan weydiiyey mana ii jawaabin oo hoos ayey fiirisay. Anigana ayeeyo ayaan u nadiifinaayey oo ka walwalsanaa. Ayeeyo wey isoo korisay ilahay ha u naxariistee waana jeclaa, maxeey noqonkartaa riyadaas walaal iga jaahil bixi. Jazakallah qeer.
Fasirka:
Riyada waxaa laga fahmayaa eyeeyadaada inay duco u baahan tahay, waxaa laga dareemayaa dulmi inay adiga kaa gashay marka aan ku xiro riyadii aan kuu fasiray hadda kahor.
Sida riyada laga fahmayo eyeeyadaada waxay ku dadaashay ilmaheeda iyagana wax uma tarin marka maadaama hadda aysan dunida joogin waxa kaliya aad u tari karto waa duco iyo inaad iska cafiso wixii ay kugu samaysay, si Ilaahay uga dhaqo wixii qalad ah ay kaa gashay.
The dream is understood from your eye that it needs prayer, it feels oppressive that it has come to you when I connect it to the dream I have interpreted for you before.
As the dream is understood, your eyes have strived for her child and it has not helped them when since she is no longer in the world, all you can do is pray and forgive what she has done to you, so that Allah may wash away what she has done to you.