Riyada:
Asc walaal waxan ku riyooday anigoo laii dhalay laba wiil aniga weligee ma guursan 19 sano ayaan jiraa wiilasha lai dhalayna somali uma ekeen labadoodaba mid gabar somali ayaa iidhashay midna gabar Mexican ah sidoo kale wiilasha mid kamid ahna asigoo ilko badan leh ayuu dhashtay mahadsanid
Fasirka:
Riyada waxay tilmaamaysaa inay kuu bilaaban doonto nolol cusub oo leh mustaqbal fiican, dhalmada caruurta waa wax fiican marka riyo lagu arko waana mustaqbal wanaagsan iyo nolol fiican.
Nambarka labada wuxuu astaan u yahay arrin labalaab ah, taasoo laga wado wax badan ayaad helaysaa oo barwaaqo ah.
Waxaa kaloo riyada laga fahmayaa inaad dhex gali doonto dad shisheeye ah ama aad dibadda ku noolaan doonto.
Dreaming indicates that you will start a new life with a better future, having children is good when you see it in a dream and it is a better future and a better life.
The number of the two is a sign of a double thing, which means that you get a lot of prosperity.
It is also understood from the dream that you will enter into strangers or live abroad.