Riyada:
Walaalo fasirka riyada iso fasir guriga oo leerka ka tagayo oo Qof gabar aan aqoon igu leedahay computer shido aan dhahaayo ma rabi way soo noqoney korontada yacni wax culees Iguma haayo mugdiga inta badan wan jeclahay mugdiga.
Saan iftiin u helo yacni computer waxaa ka so baxaayo iftiin sow maahan
Fasirka:
Walaal riyada tagitaanka korontada waxay xambaarsan tahay arrimo la xiriira noloshaada dhanka xasilloonida iyo fikirka waxay tilmaamaysaa inay kaa maqan yihiin waxyaalo qalbiga kuu qaboojiyo oo fikirka aad ku jirto kaa saaro sidoo kale noloshaada inaysan xasillooni lahayn oo aad ku jirto walwal iyo fikir joogto ah, marka ku dadaal cibaadada iyo xuska Alle iyo quraanka.