Gabar ku riyootay ninkeeda oo naago kale la hadlayaan

Riyada:

Waxan mar kasta ku riyoodaa ninkayga oo dumar la sheekaysanaya taleefanka mararka qaar la ballamaya oo leh wan soo socdaa wan kuu imanayaa marar kale isagoo dumar badan iyo qof nin ah oo sxbkii ah lkn aanan hebel u garanayn meel wada joogaan. 

Isku soo duuboo riyadaydu waa ninkaas oo dumar uun ku maran ama hala hadlo ama hala joogee.

Maxay noqon kartaa wll adoo raali ah

Gabar ku riyootay ninkeeda oo naago kale la hadlayaan

Fasirka:
Riyada noocaan ah fasiraad badan ayay yeelan kartaa, waxaa laga yaabaa adiga in aad niyadda mar walbo ku hayso ninkaaga oo aad ka baqayso haween kale inuu shukaansado ama uu guursado.
Riyada waxaa kaloo lagu fasiri karaa in naago ay isaga rabaan way jiraan dumar gaado ragga xaaska leh kaliya.
Guud ahaan waxaad ogaan doontaa haddii uu ninkaaga uu rabo guur kale iyo in kale waliba dhaqankiisa.
Previous Post Next Post