Riyada eedo la dili rabo buur laga dhex raadinayo

Riyada:

Asc wll  gabadh ayaa tidhi waxaan ku royooday riyo  labo jeer oo isu eeg  yara kala duwanna

Waxa ii imanaysa gabadh hooyaday eedo u tahay  waxay igu dhahaysaa aan nooliga kaa bixiyee orad eedo kaso kaxee meeshi eedadeed waa hooyaday   meesha laga soo kaxaynayaa islaanta waa meel buuraa oo buura dhaadheera oo wado fiicanna lahayn meeshu mar waa abaaar oo abaarta ayaa islaanta laga soo kaxaynayaa marna waa doog oo daadadka ayaa laga soo kaxaynayaa waan tegay   wiil wllo nahay ayaa i raacay  buurtii afkeedi waxaan ugu tagnay oday noo abtiya wuxu noo tilmaamay dhinicii islaantu joogtay maahe  dhinac kale oo dadka lagu laynaayo  halkaa inantii isoo dirtay ayaa hadana iga raacday oo ila socota  dadkii ayaan baadh baadhnay bal inay ku jirto islaanti   markaa waxaan u galnay halkii dadkaba lagu xasuuqaayay gabadhii waxaan ku dhahay anaa kasoo eegaya dadka shishe  ee halkan sii joog yaan lagu dilinee markaan soo noqday waxaan arkay inantii oo safka ku jirta  markii ayada la marayay ee laysyidhi bireeya ayaan qayliyay oo dhahay  suga anaa ka horeeye way isugeen markaan soo gaadhay nabar ayaan ku dhufanay qofkii dadka biraynayay waan yaacnay   waa nala eryaday xabada nalagu furay    buurtiina dirqi ayaan ku kornay  odaygii ayaan u nimi beenta noo sheegay  oo ka xun inaan soo nabad noqonay waxaan nidhi ma dilnaa isba dadkaa cadawgaa ayuu inoo diree  hadana waxaan isku nidhi inaga daa waxa   islaantiina waxaan ka helnay meel fiican ayadoo iska fadhida

Riyada eedo la dili rabo buur laga dhex raadinayo

Fasirka:

Riyada aad bay u daran tahay waxay tilmaamaysaa dad cadow ah oo xumaan la maaggan qoyskaas waana digniin, waxayna wadataa bishaaro oo ah badbaado laga badbaadayo cadowga.

Previous Post Next Post