Riyooyin cajiib ah oo gabar si toos loo tusay oo sixir ku saabsan

 Riyada:

Asc, shiiq waxaan rabaa inaa ii fasirto riyooyin aan arkay, adigana sidaa noogu faa'iiderso cilmigaaga iyo juhdigaaga Allah kaa abaal mariyo.

1.Riyada Koowaad:

Waxaan ku riyooday gabar leyla qabo ayadoo i hortaagan indhaheeda korkeeda meesha sajuuda ah waxaa kasoo baxaayo cunug qurux badan oo garguuranaayo wuu ku noqonaa wuu kasoo baxaa hadana wuu ku noqnoqonaa meesha, anigana xaaladaas uur ayaan lahaay bil kadibna waxaan dhalay cunug meed ah.

2. Waan joogay mudo kadib hadana waxaan ku riyooday anoo biyo ku dhex socdo ilmana i daba yaacayaan jidka dhinaciisa kalena waxaa fadhiso duq waayeel ah oo kanaxeesid see utaalo oo dhariyaal burkajooyin dabka usaaranyihiin oo wax u karkaraayaan waxaan aktaagan duqdaas naagta liila qabay, duqdi ayaa dhariga wax kasoobixise waxee  siisay naagti liila qabay wee cabtay wax duuduubana gacanta ayaa loogu dhiibay boorsada ayeena gashatay, riyadaas markaan arkaaye uur ayaan lahaay 2 isbuuc kadib cunug kale oo meed ah ayaan dhalay mar kale.

3. Mar 3aad waxaan ku riyooday anigoo salaatul ley utaagan xili danbane ee tahay ayaan darbi shabaq ah oo horteeda waxaan ka arkay labo indhood oo isoo fiirineeso qof iga ganbaneeso marki danbe waa soo istaagtay qofki waxeena noqotay naagti liila qabay oon aqaanay caloosha ayeena igu dhagtay oo iga majuujisay waxeena itiri maxee tahay calooshaan ween,anigana markaas xaamilo ayaan ahaay, gacanti ayaan iska qabtay kadibna waan waaye naagti, 2 isbuuc kadib cunug meed ah ayaan dhalay mar 3aad.


Iina soo duceey shiiq dhibkaas aya iheesto.

Riyooyin cajiib ah oo gabar si toos loo tusay oo sixir ku saabsan

Fasirka:

Walaal horta waxaad tahay qof daacad ah oo wanaagsan oo qalbi fiican iyo diin leh sidaa awgeed Alle wuxuu ku tusiyay riyooyinkan cajiibka ah.

Walaal waa lagu sixrayaa sixirkaasna wuxuu ka socdaa gabadha mar walbo aad riyada ku arkayso waxaana sixirka la waddo habar duq ah waxayna u badan tahay in meel adag laga soo sameynayo sixirkaas oo qarash badan lagu bixiyay si aadan u dhalin, iska ilaali cunto ama cabitaan oo kaa soo gaarayo naagtaas xaasidka ah.

Ilaahay hakaa ilaaliyo ku dadaal inaad is  daaweyso

Previous Post Next Post