Riyada anoo quraan akhrinayo oo lay dhahayo waad sixran tahay

Riyada:

Asc wr wb walaal, salaan ka dib walaal waxaan rabaa inaad ii fasirtaan riyadan, walaal waxaan ku riyooday aniga oo jidka socdo oo quraan aqrinaayo. waxaan aqrinaayey Al-Faatiha An-Naas Al-Falaq  Al-Ikhlaas iyo Ayatul kursi, oo aniga oo qashuucsan oona cabsanaayo ku soo celcelinaayey Ayatul kursi, aqrinaayo sidaan u socday ayaa waxaa gadaasheyday ka imaadey qof, qof kaasoo ila hadlay wuxuuna igu dhahay waxbaa kugu dhacay aniga maba u jawaabin oo Ayatul kursi aanba iska sii aqrinaayey oo waanba iska qashuucsanaay oona iska cabsanaayey, mana istaagin mana dhageysan, qofkii soo gadaasheyda soo socdey ayaa inta garabkeyga midig la soo simay igu dhahay adiga waa lagu sixray oo wuxuu bilaabay inuu quraan igu aqriyo anigana waxaan bilaabay inaan ooyo oo jareeyo, markale ayuu igu dhahay adiga waa lagu sixrey oo quraan ayaad u baahan tahay. qofkii waa iga harey, mana aqaano meel uu ka baxey. marka maxeey noqon kartaa riyadaas walaal. Jazakallah qeer.

Riyada anoo quraan akhrinayo oo lay dhahayo waad sixran tahay

Fasirka:

Riyada waa caddahay waxay tilmaamaysaa in lagu sixray, waxaad isku daaweyn kartaa suuradaha aad akhrinaysay, mar kaste akhriso gaar ahaan habeenkii markaad seexanayso.


The dream is clear it indicates that you have been enchanted, you can treat yourself with the chapters you have been reading, always read especially at night when you sleep.







Previous Post Next Post