Riyada oonka iyo riyada guriga roob iyo boor soo galayaan

 Riyada:

Asc

Ugu horeyn Aniga waxaan ahay xaasle.

Shaqo la'aana waan ahay.

Guri Kira ahna waan daganahay.

Waxaa wax isiiya walaalahey, sida kirada iyo cun.

Waxaan arkay 3 riyo oo aan u baahanahay in la ii fasiro.

1: Ryada 1 aad; waxaan riyo ku arkey Anigoo oon I haayo biyana cabaaya, biyahana aan ka dhargeynin, oonkiina uu I haayo.

2: Riyada 2 aad; waxaan riyo ku arkay Anigoo guri abtigey uu leeyahay qol kamid ah jiifa, kadibna roobka dhibcihiisa uu jiingada kasoo dhex baxaayo oo igu da'aayo yar dariskeena ah ayaa wuxuu I leeyahay roobka ka kac Anigana aan la yaabanahay roobka jiingada kasoo dhex baxay.

3: Riyada 3 aad; ugu horeyn inta aanan riyadaan u guda galin Aniga iyo xaaskeyga waxaan daganahay guri kiro ah oo dad kale ay nala dagan yihiin, hooyadey iyo walaalahey ilama dagna.

Waxaan riyo ku arkay guriga aan kirada kudaganay oo boor iyo caro meel walba kasoo galay hooyana guriga ay ila dagan tahay, boorka iyo carada ayey nadiifin u galeen xaaskeyga iyo walaalaheyga, hooyo ayaa xanaaqday oo dhahday cidii guriga laheyd ayaan u dacwoonayaa waa maxay gurigaan boorka noogu soo galay, Anigana waxaan leeyahay hooyo is daji waa arin illaahey keenay ee dhaaf ha u dacwoonin cidaas.

Riyada oonka iyo riyada guriga roob iyo boor soo galayaan

Fasirka:

Riyada koowaad: waxay tilmaamaysaa baahi iyo dhibaato oo adag inaad ka baxdo.

Riyada labaad: waxay tilmaamaysaa barwaaqo aad heli doonto, iyo nolol fiican oo aad ku faraxdo, roobka waa naxariista Alle mustaqbalka guri ayaad heli doontaa iyo arsaaq badan inshaa Allaah.

Riyada sedexaad: iyadana waxay tilmaamaysaa shaqo la'aan iyo rafaad iyo dhib marka Ilaahay hakuu yasiro arimahaaga.

First dream: it describes a need and hardship that is difficult to get out of.

The second dream: it describes the prosperity you will have, and a better life to rejoice in, rain is the mercy of Allah in the future you will have a home and a lot of sustenance in the hope of Allah.

The third dream: and it describes unemployment and poverty and poverty when God forbid your affairs.


Previous Post Next Post