Riyada walaalkayga la dilayo oo meydkiisa inoola keenay

Riyada:

Asc walalyal waxan idin rajeynaa cafimaad qab iyo farxad illah ajar iyo xasanaad hanika siyo sida aad inoka caawisan fasirka riyada

Aniga xaas ayan ahay hooyo carur haysto Xalay waxan ku riyody walalkyga oo la dilaayo o medkisa inola kenay hooyo mel aye iska fadhisa oo wax murug mahayo waxan ku dhax jirna mel biyo ka buuxa sida ashuunka camal u samesan oo jarjaro leh wilkana biyaha dhaxdisa aya laku dilay mesha aan ku jirno dabeelo aye ledahy guryo qadiimi ayaa ka dhisan dabesha marke so kacdo guryahha aye qeb ka dumesaa mesha aan ku jirno bahalo ayaa ka buxa diin dhinty qolofkisa aya naku so dhacayo aniga mesha aan ku jirno oo ashuunka camal  eh afkisa ayaa biyo kaso daadanayo qoraxdana mugdi mugdi aye u egthy gacmaha ayan kor u tagaa illahaw walalkyg dadka dilay so qabo ayan ku dhahaa dadka mesha joga oo tacsida u imadeen waa dad wada qur qurux in ay tacsi u imaden loma maleyo aniga waxan taganahy ashunka afkisa mesha ayan gacmaha kor taga illah u weydina in aan u helo cadal walalkyg la dilay aan wili luku tukanin  salada janasada

Riyada walaalkayga la dilayo oo meydkiisa inoola keenay

Fasirka:

Riyadan waxay tilmaamaysaa rafaad iyo murugo adiga kugu soo socdo, Ilaahay baryi si uu kaaga leexiyo dhibaatooyinka nolosha aduunka.


This dream describes grief and sorrow that is coming to you, pray to Allah to turn you away from the problems of worldly life.


Previous Post Next Post